Talosom
Balse dadka somalida ahi, waxyaabo badan oo faaiidooyin u leh waxay u arkaan ceeb iyo arin xumo hadaba si aynu uga korno kaalinta aynu dunida kaga jirno waa in aynu helnaa ururo kala duwan oo ka hawl gala qaybaha nolosha,
halkani waa bilowga barnaamij balaadhan oo ka shaqeyn doona samatabixinta arimaha qoysaska iyo daraseynta dhibaatooyinka hortaagan dhalinteena.
barnaamijkani waa mid si toosa loogu soo wacayo qofka isla markasina xaalka iyo talada xaajadana loo gaadhi doono sida ugu quman ee qofkasta kaga beegan, mana jirto qof ama koox dhameystiran balse Wax kastaa waa dedaal iyo in qofka arin ku adkaday laga siiyo talo iyo toosin,
Barnaamijkani wuxuu si toosa uga la wadaagaysaa waxyaabaha caqbada kugu ah, noloshada waana xoogtaduna waa ku midkaydsan, cida aad la wadaagayso, waxaa noo diyaara in aan dad badan siino la Talin dhinacyada nolosha ee kala duwan,
Maadama oo ay dad badani wayeen cid la talisa ama ay xoogtooda ku qarsadaan, TALOSOM oo aanu u soo gaabiney talo siinta soomaali-da waa barnaamij milgihiisa iyo sumacadiisa wata,
Walashay walalkayga somaliyeed waxaan leeyahay ha niyad jabin ee nala wadaag wax nolosha kugu adag si aanu qayb uga noqono, talo bixintada,
Waxaa jira dad badan oo qurba jooga isla markasina sifaad aad yar uga dhex baxay dadka somaliyeed isla markasina ay sabab u noqotay, in ay nolosha ka dhacaan waxaana mihiima in dadkaasi oo kale ay qalbi wanaagsan yihiin balse ay wayeen cid la dareen noqota, oo fahansan xaalada ay ku nool yihiin isla markasina dhagaysta wax uurkooda ku jira, talosom waa adeege dhageyste shaqadan u qabanaya inuu la dareen noqdo, dadka aan hadli karin ee ku daadsan dunida dacaladeeda.
Talosom waa talosame kugu heegan ah in aad kaga baxdo xayndaabka kugu wareegsan ee caqbada ah, haddii ay noqoto dhanka qoysaska iyo xaga shaqo la'aanta ama dhanka bulshada aad ka dhex baxday, qalbiyada jabay ee qolka ku xidhan,
Noqo qof ku dhiiran arimaha u qarsoon inuu xal u helo.
Qalinkii. Mohamed Hussein Mohamed
Whatapp. 00252672019586


Comments
Post a Comment