HANKA IYO SOOMALIDA
Dhaqanada ugu Sameynta badan nolosha bulshooyinka caalamka ku nool waxaa ka mid ah, wadiiqada guusha ama hanka u qofku naftiisa ku haysto, marka aynu leenahay '' Han '' waxaa loo soo qaadan karaa hibasho, hibashadaasi oo qofka si buuxda ugu muuqata haddii uu saldhigo, isl markasina kaga dhabeyn karo,
in yaroo oo kooban ayaynu dul istaagaynaa macnaha eraygani ay somalidu siiba dad aan aqoon fiican u lahayn xaydaabka nolosha, himilada iyo horumarka laga sameyo siday ku yimadaan,
Badnaa dadkeena ragga ha ugu yaradeene, siiba haweenka hagu badnadane, Haween somalida Waxaa ka akhrisnaysaa in hanka ay leeyihiin uu yahay mid aan dhaafsiisnayn nolol Maalmeedka iyo maalka oo la korodhsado, iyagoo ujeedka u weyn ee ay ka leeyihiin uu yahay, Ku cariigsiga qof ama qoys ay dhibaato kala soo gaadhay, taasi oo ay u qaatan in ay ka koraan Dhibaatada ay la soo mareen iyo cidhiidhigii wakhtiyada qaarkood soo gaadhay, macnaha maaha in la diidan yahay in dhibaatada laga karo, balse wax ay tani keenaysa in aad abuureyso dhibaato kale oo kula socon doonta ilaa dhimashada adigoo isu arkaya in aad guuleystay balse aan gaadhin guushii rasmiga ahayd,
'' sida xaaska oo ninkeedii ay jeclayd dib u nacday, ay jeceshahay in ay isaga ka dheereyso,'' '' ama isla gabadha oo qoyskeeda xafiiltan iyo xin u dedaalaysa siday doonto ha ku timaadee''
'' ama ragga oo iyagu u dedaalaya in ay dhaafan sxbkii ama qoyskooda qof ka mida'' tani waa dhibaato bulshada haysta kuwa ilamadera oo aan wada hadli karin, iyo kuwa wada dhashay oo aduun iyo jagooyin isku haysta isagoo midkastaba han ka uu jeebkiisa ku sito tixraacaya,
hadaba hanku waa hujuum iyo doonis ka qoto dheer xafiltan iyo isu fiirsi bulsho ama qoys isla markasina saldhigeedu ka durugsan yahay sida ay dad badan oo soomaali ahi, u yaqiinsan yihiin, tani qoyska iyo dedaalka shakhsiga ahi, waa isku filnaansho, inkastoo aaney duniduba 9 aan 10 buuxin ay tahay, hadana qofku waa mihiim in uu noqdo mid isku filan,
hadaba hanka iyo himiladu waa laba isku sidkan, isla markasina qodobo wadaaga, hanku waa mid ka ay soomaalidu ka yeeshay, mid aan qoys iyo qof dhaafin, himiladuna waa mid ka baladhan hanka, hadaba hanka waa astaan ku dhisan jaceyl iyo isu naxariisasho, is taakulen iyo isa saamax,
intani haddii aanay hanka ku jirin waa mid kugu xidhaysa qoobad iyo qolyaroo cidhiidhi ah, sababtoo ah, hanku waxaa saldhig u ah, in aad wadiiqo kasta oo ay hanka iyo himiladada mustaqbal kula galayaan ugu adkeysto, ugu samirto kii aad aduunka u nacbeyd in aad la walaalowdo, sababtoo ah, waxaa laga yaabaa in uu wakhtiyada qaarkood garab ku noqon karo,
bulshayahay waxaa dareemay arimahana igu dhaliyey dad wada dhashay oo hadana cadaw isku ah, oo aan isla hadli karin, wax ay ku kala tageena ay tahay wax yaroo aad u fudud, oo ay keentay cadho shaydaan iyo is fahan waa,
Muhiimada aynu nolosha ka leenahay maaha oo kaliya in aynu maal iyo aduun ka urursano wakhtigan yaree kooban isla markasina aynu ku baashaalno maalmo kooban, balse waa in aynu nolosha aduunka kaga tagno sameyn iyo inagoo ah, adoomo la jecel yahay, Mana ah in aynu lacag u dilno qofnimadeena iyo sharafka ubadkeena iyo cisiga iyo sumcada waalidiinteenii,




Comments
Post a Comment